Abuu Mansuur oo qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashada ee Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa bilaabay diiwaangalinta Musharaxiinta u taagan doorashada xilka Madaxweynaha maamulkaasi .

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur Afhayeenkii hore ee kooxda Al Shabaab oo kamid ah Musharaxiinta u taagan Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee is diiwaan galiya.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu soo buuxiyay shuruudaha laga rabo Musharaxiinta, waxa ayna Guddiga siiyeen Abuu Mansuur Shahaadada musharaxnimo.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horey Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur uga reebtay in uu ka qeyb galo doorashada Madaxweynaha, waxa ayna dowlada sheegtay in Abuu Mansuur uusan buuxin shuruudo laga rabay.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ka dhacdo 17-ka bishan , waxaana doorashada tahay mid adag ay ku tartamayaan Musharaxiin kala duwan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -