(Akhriso) Liiska Musharaxiinta rasmiga ah ee Madaxweynaha Puntland oo la shaaciyey

Guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland oo haatan soo geba-gabeeyay diiwaan-gelinta murashixiinta, ayaa shaaciyay magacyada murashixiinta la diiwaan geliyey ee buuxiyay shuruudaha.

Sida uu sheegay guddiga 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen ayaa si rasmi ah loo diiwaan geliyey kuwaasoo buuxiyay shuruudaha ku cad habraaca doorashada.

Diiwaan-gelinta oo soo bilaabatay shalay ayaa ku ekeyd galabta 4:00pm.

Maalinta berri ah oo Isniin ah ayaa waxaa bilaabanaya, khudbad jeedinta murashixiinta diiwaan-geshan, iyadoo qofkiiba la siin doono 15 daqiiqo oo uu ku soo koobi doono barnaamijkiisa siyaasadeed.

Doorashada Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa dhaceysa  Maalinta Talaadada ee ku beegan 8-da Janaayo 2019, waxaana wareegga labaad u soo gudbi doona saddexda murashax ee ugu codadka badan, halka wareega saddexaad  ay ku tartami doonaan labada musharax ee ugu codka bata, iyagoo ku kala bixi doona cod hal dheeri ah.

Hoos ka akhriso liiska Musharaxiinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -