Gudoomiyihii loo magacaabay degmada C/casiis oo degmo kale loo wareejiyey (Sababta)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Ing. C/raxmaan Yariisow ayaa ka laabtay wareegto ka soo baxday dhowaan xafiiskiisa oo gudoomiyaha cusub ee degmada C/casiis loogu magacaabay Ismaaciil Mukhtar Orange oo ka tirsanaa shaqaalaha warbaahinta Dowlada.

Arintan ayaa timid ka dib markii odayaal iyo iyo waxgarad ku heyb ah guddoomiyaha xilka laga qaaday ee degmada C/casiis Sharmaarke Maxamed Ladane ay dacwad gaarsiiyeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo diidan xilka ka qaadista lagu sameeyey gudoomiyihii degmadaas.

Sida ay Allbanaadir online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa cabashadaas ka dib gudoomiyaha gobolka Banaadir ka dalbaday in gudoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada C/casiis loo daayo xilkiisa, gudoomiyihii loo magacaabayna meelo kale loo day dayo.

Ing. Yariisow oo fulinaya dalabka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka laabtay wareegtadii xilka looga qaaday gudoomiyaha degmada C/casiis, isagoo dhinaca kale soo saaray wareegto kale oo Ismaaciil Orange uu ugu magacaabay gudoomiyaha degmada Xamar Jajab oo banaanaa sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Degmada Xamar jajab ayaa aheyd gudoomiye la’aan maadaama gudoomiyihii degmadaas maalmo ka hor xilka laga qaaday, loona magacaabay gudoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Waa markii labaad ee gudoomiye Yariisow uu ku fashilmo gudoomiye uu magacaabay, dhowaan ayeyna aheyd markii uu ka laabtay wareegto uu gudoomiye cusub ugu magacaabay degmada H/wadaag, markii waxgarad ku heyb gudoomiyaha xilka laga qaaday ay dacwad gaarsiiyeen raisul wasaaraha Somalia, taasoo keentay in loo daayo shaqadiisa.

Talaabooyinkan ayaa muujineya jahwareerka Gudoomiyaha gobolka Banaadir ka heysta maamulada degmooyinka gobolka iyo kala bedelaadooda.

Arimahan oo dhan ayaa ku soo beegmay xili muddo dhowr bilood ah ay maamul la’aan yihiin degmooyinka Xamar-weyne iyo Shingaani ka dib markii siyaabo kala duwan maamulka gobolka uu shaqada uga joojiyey labadii gudomiye ee degmooyinkaas oo shacabka ku nool ay isweydiinayaan xiliga loo soo magacaabi doono masuuliyiin cusub, waxaana hadda howlaha maamulka labada degmo sii wada gudoomiye ku-xigeenada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -