Aqalka Sare oo wufuud dhexdhexaadin ah u diray dowlad goboleedkii Sadexaad

Wufuud ka socota Golaha aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u kala dhoofay magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ee dowlad Goboleedyada Koonfur galbeed iyo Jubbaland si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Ujeedka Safarka wufuudan ayaana ah xog ururrin dhab ah iyo xal waara sidii loo heli lahaa.

Wafdigan u dhoofay Baydhabo ayaa waxaa hogaaminaya Senator C/llaahi Cali Garuun waxaana ka mid ah Senator Xuseen Xaaji Cali, Senator Samsam Ibraahim Cali, Senator Axmed Macallim Cumar (Axmed Nadiir), Senator Faadumo Xasan Aadan Gariyow, Aadan Cabdi Aadan, C/fitaax Macallin Xasan, Maxamed Cali Maxamed Rooble iyo Ismahaan Fu’aad Xasan.

Aqalka sare ayaa sidoo kale wafdi kale isla manta u diray magaalada Kismaayo kaasoo  ka kooban toban xubnood waxaana hoggaaminaya Senator Axmed Xaashi,

Wafdigii ugu horeeyay ee Aqalka sare u diro Dowlad Gobolleedyada ayaa shalay gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -