Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada gaarka ah ee dowlada Somalia  howlgal qorsheysan ku qaaday degaanka Dugule ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa la sheegay iney halkaasi ku burburiyeen saldhig ay Al-Shabaab deegaankaasi ku lahaayeen.

Qoraalka kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka amniga ay habeenimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaadeen saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule ayna gacanta ku dhigeen howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jiray sida ay warka u dhigeen.

“Ciidanka amniga ayaa habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaaday saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule. Saldhigooda waa la burburiyay, howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jirayna gacanta ayaa lagu soo dhigay. ayaa lagu yiri warka NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin & Xubno kale (Akhriso)

Caydiid Ali

Hormuud Salaam Foundation oo $200,000 ugu deeqay gurmadka qaraxyadii Soobe (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhismaha Laamiga Dayniile oo goordhaw si rasmi ah loo dhagax dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---