Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wasiir katirsan Xukuumadda Roble oo loo doortay Xildhibaan katirsan golaha Shacabka

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta ka socota doorashada shan kursi oo kamid noqonaya kuraasta golaha shacabka ee lagu soo dooranayo Koonfur Galbeed.

Kursigii ugu horeeyay oo doorashadii ka dhacday oo sumadiisu aheyd Hop184 waxaa ku tartamay Wasiirka Tamarta xukuumadda Soomaaliya Xasan Cabdinuur Cabdi iyo musharax kale oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Cali.

Kursigan oo natiijadiisa horey loo sii ogaa ayaa waxaa ku guuleestay wasiirka tamarka xukuumadda Soomaaliya Xasan Cabdinuur Cabdi oo helay 72-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Cabdullaahi oo isna helay 27-cod.

Doorashada ka socota magaalada Baydhabo ayaa inta badan ah kuwa natiijadooda lasii ogyahay , waxaana inta badan kusoo baxaya musharaxiin si gaar ah loo wato oo lala doonayo kuraastan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=CuVcLdWJETM

Related posts

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Gaalkacyo oo xalay dagaal ka dhacay

Cabdi Cade

Fal dil ah oo oo ka dhacay Suuq ku yaalla Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wadahadal khadka telefanka ku dhexmaray Madaxweyne Biden iyo Abiy Ahmed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---