Dowlada Somalia oo meel adag ka istaagtay in dalka kasii shaqeeyo Nicholas Haysom

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in ay dalka ka ceyriso Wakiilkii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom , kadib markii su’aalo ka careesiisay dowlada Soomaaliya weediiyay Wasaarada Amniga .

Xukuumada Soomaaliya ayaa ku adkeesaneysa in aan dalka looga baahneyn kana sii shaqeyn karin Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxa ayna dowlada meesha ka saartay in xal laga gaaro ceyrinta Nicholas Haysom.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay in dowladdu aysan marna aqbali doonin in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom uu mar kale kasii shaqeeyo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Mowqifkoodii hore uusan waxba iska badali doonin isla markaana aysan ogolaan doonin in Soomaaliya dib loogu soo celiyo Nicolas Haysom oo uu ku eedeeyay in uu u dhaqmay sida in uu isagu madax ka yahay dalka.

Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Hadalka kasoo yeeray ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ay arrinta ka wada hadleen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -