Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Isimada SSC-Khaatumo go’aan ka soo saaray khilaafka doorashada Puntland (Akhriso)

Isimada SSC-Khaatumo oo ku ku jiray dhex-dhexaadinta Madaxweyne Deni iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka Puntland ayaa maanta go’aan rasmi ah ka soo saaray Khilaafka ka taagan Arrimaha doorashada 2024.

Bayaan ka soo baxay Isimada SSC ayaa lagu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024, islamarkaana Baarlamanka hadda jooga doortaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub.

Isimada SSC-khaatumo ayaa sidoo kale go’aamiyay in Baarlamanka Puntland ee hadda jooga loo sameeyo mudda kordhin 12 bilood ah, kadibna Baarlamanka xiga lagu doorto Hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, si loo dhammaystiro Barnaamijka Dimuqoraaddiyadda.

Ugu danbayn, Isimada SSC ayaa Go’aankooda ku geba-gabeeyay in Xukuumadda cusub ee la doorto 8 Jan 2024 ay dhammaystirto Hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, iyadoo guddiga PEC loogu baaqay in ay qabtaan doorashada saddex degmo ee weli harsan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Jaamac ِAweys oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay go’aanka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya laga qaaday.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimada Puntland ayaa soo dhoweeyey go’aanadan

“Anigoo ku hadlaya afka isimmadii hore u soo saaray go’aammada waxa aan ayidaynaa oo la qaadanay go’aamada ay maanta soo saareen isimmada SSC-Khaatumo – Dhammaan isimmada Puntland go’aankoodu waa sidaas ah in Baarlamanka hadda ay 8-da Jenuary doortaan Madaxweyne iyo ku-xigeen, ka dibna la sii wado qof iyo cod.” ayuu yiri Suldaan Garaase.

Madaxweyne Deni iyo siyaasiyiyiinta mucaaradka ayaan weli ka hadlin go’aanada cusub ee soo baxay maanta

HOOS KA AKHRISO GO’AANADA ISIMADA SSC SOO SAAREEN

Related posts

(Daawo Sawirro) Qoorqoor oo la ciiday shacabka Dhuusamareeb, hal arrina ka digay

Caydiid Ali

Ciidanka Danab oo dilay xubno ka tirsan Al shabaab, nololna ku soo qabtay kuwo kale (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Somalia oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Muqdisho Stadium & Farmaajo oo booqday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---