Ceyrintii Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo rajo badan abuurtay !!

30-kii Deseembar 2018, Wakiilka qaramada midoobay ayaa warqad soo saaray. Ku socoto dowladda somalia, gaar ahaan wasaaradda arrimaha amniga. Dhaleeceyn iyo dhoocaar baa ku xusnaa. 12 Su’aalo taxan sidii imtixaan jaamacadeed baa ku sadareysnaa. Fajac iyo amankaag bay igu noqotay. Waxaan is iri ma macalin baa arday su’aalo weydiinaya?. Ma madaxweynihii dalkaa? Mayee, waa madaxii qaramada midoobay ee Soomaaliya wakiilka uga ahaa. Gardarranaa oo garxumaa ninkaas!

Ma warbaa yaal! Anigoo ciileysan baan iska carraaabay. Illaa goormaa gaaladu Soomaaliya gumeysaneysaa su’aal aheyd baan isku tuuray. Saa jawaabti geed dheer aan laaci karin iiga shareertay!

Cabbaar haddii ay kasoo wareegatay, baan barteeda Facebook booqday, mise dowladda soomaaliya ee dalka ka ceyrisay safiirka UN-ka baan qacdiiba indhaha ku dhuftay. Ma rumeysan, maxaa yeelay filan waa bay igu aheyd. Si fiican baan u aqriyay. Hadal macquul baa meesha iiga muuqday, mise warqadda maba shaabadeysana!, shakigii baa  shab igu yiri. Ma sii fadhin, warkan cadeyntiisa ayaan ugu tub iyo ceel joogsaday. Sidii canug wax uga dhumeen ciidda baan u raadiyay.

Asxaab akhbaaraha aad ula socda, ayaan is maqalnay. Si lamid ah warqaddii unbay arkeen. Si baan ugu faraxsanaa, si kalena waan u walaacsanaa. Wareer cawo waa loo waa bariistaa ayaan warkeyga kusoo koobay. Wixii dhab u jirana cakaaruu imaan.

In door haddii la joogay, akhbaar kalaa iisoo dhacday. Xaqiijinta warqadi bay aheyd, walaaci I hayay la iiga haatiyay. Ashqaraar bay ila aheyd. “Goormuu beer lafo yeeshay”, baan is iri. Maankayga waan ku hashiisiin waayay, in madax Soomaali ah inay mas’uul qaramada midoobe dalka ka masaafurin karaan, wallow madaxdan, madaxdi hore aheyn,haddana maladeedu meel fogbay  joogtay.

Soomaali badan bay la noqotay sida in maalin xorriyad oo kale tahay, 30 sano kadib. Awood soo laabatay baa muuqatay. Madaxdi hore madaxd ka duwan baa la yiqiinsaday. Gunnimo aad ku dhergantahay gobonnimo gaajo ah ayaa dhaanta baa lagu alalaasay.

Nickolas Heysom, rugcadaa UN-ka magac ku leh buu ahaaye. waddamo badana ayuu ergay kasoo noqday. laakin, cawo kasta ciid ma ahoo, Soomaaliya ayaa cashar loogu dhigay. Himilo iyo rajo cusub ayaa imaantinkiisa iyo eryiddiisa ka dhalatay.

Go’aanku wuxuu ahaa mid xaraar ah .Geesi mooyee giiraale loogama fadhin. Ogow geesinmaduna waa inyar oo aad cagaha dhulka ku heysid. mararka qaarna guushu waxay kasoo go’daa isbiimeynta. Ma is tiri tiibaa dhacday?!

Waxaase taas kasii darnaa, warbaahinnadii caalamka ugu carrabka dheeraa baa cinwaan ka dhigtay ”Dowladda Soomaaliya oo ceyrisay safiirkii UN-ka”? Oo maxay u ceyrin weyday? Ma gunnimaa weligeed la hoos joogayaa?. Maamuus iyo magac baa caalamka kasoo noqday. arrin sheeko iyo shaahid toona soo marin bay noqotay.

Karaamada bini-aadamka waa shey qaali ah. Ilaahbaa qur’aanka nooga tilmaamay. Ma ahan mid lagu baayici karo beeso yar. Waa baahanahay baqtiga looma cuno.

Soomaalida waxaa lagu yiqaannaa qab iyo isla weyni marka ay timaado shisheeye, laakin qabyaalad baa qabkii ka qaaday, oo kala ququbay, dunidana loogu quursaday.

Wa billow fiican bedel u noqon kara bahdilaaddii la soo maray. Waa go’aan fiican caalamka tusi kara in Soomaaliya gobonnimo dooratay. Waa cashir ergada imaan doonto maanka ku heyn doonto.  Inyar oo madaxda dowladda uurka ka neceb mooyee, inta badan waa lasoo dhoweeyay. Maxaase xigi doona? Bal dhowr!

W/Q  Abdinasir Safaana
Email: safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -