Dowlada uu Hogaamiyo Farmaajo oo la sheegay in ay diiday in ay ku dhaqanto Dastuurka iyo Diinta

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Koonfur Galbeed oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa ku eedeeyay dowlada federaalka in masuul ka tahay khalalaasihii siyaasadeed ee ka dhacay Koonfur Galbeed.

Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo ah Xildhibaan katirsan Baralamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo masuul ka tahay dadkii lagu dilay iyo kuwii lagu dhaawacay Baydhabo.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Geesey in Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan ku dhaqmeyn dastuurka dalka u yaala sidoo kale aysan ku dhaqmeyn diin , waxa uuna xusay in dowlada ay katirsan yihiin diiday in lagu dhaqmo Dastuur iyo Diin.

” Dowlada aan katirsanahay Dastuurna waa diiday diina waa diiday, Dastuurkii lagu doortay  Farmaajo diiday , diina horey uguma dhaqmeyn, dowlada hadii ay diiday in dastuur iyo diinta ku dhaqanto waxaan u nimid in dadka u sheegno sidii ay isku difaaci lahaayeen, Ayuu yiri Xildhibaan Geesey.

Xildhibaanada katirsan Baarlamanaka federaalka Soomaaliya ee maanta tagay magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay doorashadii lagu doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee lagu doortay Cabdicasiis Lafta Gaareen ayaa inta badan waxa akasoo horjeestay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -