Allbanaadir.com
NEWS

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Nairobi ku sugan iyo kulamo socda

Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana halkaasi ka socda kulamo la isugu soo dhaweenayo labada hoggaamiye.

Labada Madaxweyne oo mar saaxiibo dhaw ahaa ayaa kala tagay markii Axmed Madoobe la saftay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh markii la siiyay shaqsi uu isaga watay xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, halka Siciid Deni oo xilkaasi horey loogu ballanqaaday isna xiriirka u jaray DFS.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, hadda labaduba waxa ay mucaarad ku yihiin dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna hadda ka shirayaan sidii looga gudbi lahaa khilaafkii soo kala dhax galay una sameysan lahaayeen mar kale isbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Xasan.

Kulamo loogu kala dabqaadayo labada hoggaamiye ayaa ka socda magaalada Nairobi, waxaana la filayaa in labadan Madaxweyne yeeshaan kulamo hoose ayna dhistaan isbaheysi mucaarad ah, iyaga oo taageero ka helaya dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, ayaa sidoo kale magaalada Nairobi kulamo kula qaadanaya wakiillo katirsan beesha caalamka madax katirsan dowladda Kenya iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Xasan Sheekh ee ku sugan magaalada Nairobi.

Mucaaradka kasoo horjeeda hab maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa wada abaabulka kulamo waa weyn ay uga horimaanayaan xisbiga uu dhistay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la filayaa in mucaaradka dhistaan madal ay ku mideysan yihiin.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Safiirka dowladda Denmark oo raaligelin ugu tagay Wasiir Axmed Fiqi (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Ingiriiska oo Mashaariic Horumarineed ka hirgalineysa Jubbaland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Kenya oo shaacisay in ay dishay xubno katirsan Al Shabaab hubna kasoo furatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---