Magaca iyo Qabiilka Ninkii Fuliyay Qaraxii ka dhacay agagaarka Tayaatarka oo la shaaciyay

Xarakada Al Shabaab ayaa baahisay magaca iyo qabiilka uu kasoo jeedo ninkii fuliyay mid kamid ah qaraxyadii sabtidii hore ka dhacay agagaarka Tayaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa Wareysi la yeelatay ninka fuliyay Weerarkan oo lagu magacaabo Jamaal Jeyllaani Nuur Cadow oo kasoo jeeda Beesha Murusade gaar ahaan jufada Habar Ceyno.

Ninkan Weerarka ismiidaaminta ah fuliyay ayaa Al Shabaab ku biiray sanadkii 2008-dii , waxa uuna ka qeyb galay dagaalo badan oo ka dhacay magaalada Muqdiho iyo qeybo kamid ah dalka .

Waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay weerarkan uu fulinayay, waxa uuna xusay weerarka uu fulinayay in uu yahay mid xaq ah uuna ugu dhaaanayo ilaahey, isagoona ugu baaqay xubnaha kale ee Shabaab in dagaalka ay sii wadaan.

Weerarka uu ninkan qeyb kamid ah fuliyay waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 qof oo isugu shacab iyo ciidan, waxaana weerarkan dhaawacyo fudud kasoo gaareen masuuliyiin katirsan dowlada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -