Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalo qaraar oo saaka mar kale ka qarxay degaanka Ceel-hareeri

Dagaal culus ayaa mar kale ka qarxay saaka duuleedka deegaanka Ceel-hareeri ee Gobalka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya Ciidamadda xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda Gobalka Hiiraan oo hal dhinac ah iyo kuwa al shabaab

Sida wararku sheegayaan dagaalkan oo ah mid aad u xooggan ayaa yimid kadib markii Ciidamadda deegaanka ee Macawisleyda Gobalka Hiiraan ay  weerar ku qaadeen xubno al shabaab oo isku aruursanaayay deegaan aan sidaas uga fogeyn deegaanka Ceel-hareeri.

Saraakiisha Maamulka gobolka Hiiraan ayaa u sheegay in dagaalka uu yahay mid qaraar oo aad u xooggan taasoo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub noocyo kala duwan leh, iyadoo dhawaqa hubka culus ee la isku adeegsanaayo laga maqlayo deegaanno ka fog fog goobta lagu hardamayo.

Dagaalka haatan soconaya ayaa gaystay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin waxaana ciriiri ah isgaarsiinta degaanka.

kooxda Al shabaab ayaa xalay waxa ay soo geliyeen degmadda Aadan Yabaal dagaalyahano ka tirsan kooxda oo ka kala yimid deegaanadda Alkowthar, Ruun-nirgood, Guulane iyo Boos  Hareeri, iyadolo dagalka saaka uu daba socdo dagaalo qaraar oo labada dhinac maalmihii la soo dhaafay ku dhexmarayey degaano kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal.

 

Related posts

(Sawiro) Munaasabad baroordiiq ah oo loo sameeyey Marxuum Max’ed Qanyare oo lagu kala qabtay London & Amsterdam

admin

Waxyaabo qarxa oo la dhigay meel u dhaw Safaarada Isra’il ee Sweden iyo kala carar dhacay

Cabdi Cade

Dowladda Somalia gacanta ku dhigtay shabakad ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

Caydiid Ali
Taboola Ads ---