Axmed Madoobe: “Hawiyow aad ii dhageysta, caasimada Muqdisho cidna kama xigtaan”

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay sida ay isku badashay magaalada Muqdisho iyo horumarka balaaran ee ka socda sanadahan dambe.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay kulan ay soo qabanqaabisay beesha Hawiye, isagoo dhinaca kale  soo soo hadal qaaday maqaamka Muqdisho.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo magaalada Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, Hawiyow aad u dhageysta, caasimaddan Hawiye dadka kama xigo, waa magaaladaan kusoo koray waxna ku bartay, caasimadda Muqdisho waa iney yeelato maqaam sharci ah oo ay leedahay oo ay matalaad ku leedahay, caasimadda uma baahna gudoomiye loo soo magacaabo, uma baahna nin mar walba la badalo, waxey u baahan tahay gole deegaan, maamul iyo dhaqaale dadka wax loogu qabto” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa amaanay Madaxweyne Farmaajo sida uu u dhaqmay intii lagu jiray shirkii ay Muqdisho kula yeesheen.

“Waxaan uga mahad celinayaa Madaxweynaha jamhuuriyadda inuu yiri, anigu xitaa dhan farsamo ma rabo ee waxaan rabaa sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu dhaw ee dadka loogu qabto doorasho, una arko iney xasiloonida intaas ku jirto.” ayuu yiri Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -