Allbanaadir.com
NEWS

Britain, France iyo Canada oo cunaqabateyn ugu goodiyey Israel

Hogaanka Madaxda Britain, France iyo Canada ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen amar ku siiyay Israel iney joojiso dagaalka Gaza, hadii ay joojin weysana ay ka qaadi doonaan talaabooyin lid ku ah, nuqul kamid ah qoraalka ay soo saareen ayayna ku yiraahdeen.

“Waxaan qaadi doonaa talaabooyin adag hadii aysan Israel joojinin weerarkeeda Gaza, gargaarkana u ogolaanin in la galiyo gudaha”.

UK, France, Canada iyo dalal kale waxay ku hanjabeen cunaqabatayn ay saarayaan Israa’iil haddii dagaalka Gaza uu sii socdo.

Xamaas ayaa soo dhaweysay go’aanka madaxdan, balse Israel ayaa go’aankaas ku tilmaantay mid u adeegayo danihii laga lahaa weerarkii lagu soo qaaday ee 7dii Oktoobar sanadkii 2023.

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymo ka geystay Qaza, halkaas oo ay ku dileen in ku dhow 50  qof tan iyo saqdii dhexe ee xalay, kaddib markii milatarigu uu ku amray Falastiiniyiinta ku nool magaalada koonfureed ee Khan Younis inay ka cararaan ka hor “weerar aan horay loo arag”

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 53,339 falastiiniyiin ah waxaana ku dhaawacmay 121,034, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Xafiiska Warbaahinta Dowladda ayaa tirada dhimashadu ka badan tahay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.

 

Related posts

Mahdi Guuleed oo xaalku ku xun yahay Dagaal Siyaasadeed cusubna bilaabay !!

Cabdi Cade

Xildhibaanada labada aqal oo beri yeelanaya kulan looga hadlayo qodob xasaasi ah

Caydiid Ali

Wax badan ka ogow Dhibaatada caafimaad daro ee ka dhalan karta Maraq-digaaga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---