Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo qaarajisay sarkaal ka tirsan kooxda Daacish

Maamulka Puntland ayaa shaaciyey inay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaasoo lagu magacaabi jiray Axmed Muuse Siciid.

Ninkan ayaa sida ay sheegtay Puntland, u qaabilsanaa Daacish xiriirka iyo isku xirka arrimaha dibadda.

Wasiir u-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay dilka sarkaalkan.

Wuxuu sheegay in Axmed Muuse Siciid sidoo kale uu Daacish u qaabilsanaa qorista xubnaha kooxda ee laga dhex xulanayo beelaha Puntland.

“Howlgalka lagu dilay horjoogahan waxaa uu ka dhacay Togga Miiraale, muddo dheer ayey hay’adaha amniga Puntland iyo kuwa caalamka raadinayeen, maaddaama uu lahaa masuuliyad muhiim ah oo khatar ku ahayd nabadgelyada gobolka” ayuu yiri Wasiirka

Cabdifitaax Maxamed Nuur wuxuu ku tilmaamay dilka Axmed Muuse Siciid inuu dhabar-jab weyn ku yahay Daacish, wuxuuna xusay in kooxda aysan si sahlan uga soo kaban doonin luminta sarkaalkan.

Axmed Muuse Siciid  waa sarkaalkii ugu sarreeyay ee laga dilo kooxda Daacish tan iyo markii Puntland ay billowday hawlgalka ka dhanka ah kooxdaas bishii 2024 dabayaaqadiisii

Related posts

Martin Griffiths “Israel Waa iney u hogaansantaa sharciga caalamiga ah”

Caydiid Ali

Xamaas oo wareejisay afar meyd iyo xogta qaabkii loo dilay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Shaacisay in qaar kamid ah ragii fuliyay Weerarkii Muqdisho in iyaga oo nool ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---