Booliiska Jubbaland oo ka qeyb qaadanaya Howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Maamulka Jubbaland ayaa diyaar garow xoogan ugu jira howlgal ka dhan ah Al Shabaab oo la filayo in dhawaan ka bilowdaan deegaano iyo degmooyin ay Al Shabaab ka maamulaan gobolada Jubooyinka.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee ciidanka maamulka Jubbaland, waxa uuna faray in ay u diyaar garoobaan howlgal Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay Jubbaland ka joogaan.

Ciidamada booliiska Jubbaland ayaa kamid ah ciidamada loo diyaariyay in ay ka qeyb qaataan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana ciidankan loogu tala galay in ay la wareegaan deegaanada Al Shabaab laga saaro.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqday taliska booliiska ee magaalada Kismaayo, waxa uuna halkaasi kula kulmay saraakiisha iyo ciidanka booliiska, waxa uuna u sheegay in ay qeyb ka noqdaan howlgalada Al Shabaab ka dhanka ah.

Axmed Madoobe  ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta aysan kaliya fulinaynin Ciidanka Daraawiishta balse loo baahan yahay in meelaha la xoreeyo ay tagaan Ciidanka Booliska qaybahooda kala duwan si shaqooyinka caadiga ah aysan gaabis u galin oo nidaamku si toos ah uga hirgalo meelaha Al-Shabaab laga saaro.

Madaxwenaha Jubbaland ayaa amaanay ciidanka booliiska uu sheegay in shaqo fiican bulshada u hayaan, waxa uuna ka codsaday in shaqadooda kordhiyaan howlo badana ka qabtaan deegaanada Al Shabaab laga xureeyo.

Maamulka Jubbaland ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira howlgalo ay doonayaan in ay kula wareegaan gobolka Jubbada Dhaxe oo gabi ahaan ka maqan gacanta maamulka Axmed Madoobe iyo deegaano kale oo Shabaab maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -