Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo abaabul dagaal ka wada degaanka Geel-gub

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maalmahan booqonayey Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka ee ku sugan difaacyada kala duwan ayaa maanta kormeeray deegaanka Geel-gub ee gobolka Sh/dhexe.

Saraakiisha ayaa warbixin ku siiyay Madaxweynaha in dhammaan ciidamada kala duwan ay ku jiraan heegan buux ayna diyaar u yihiin iney iska difaacaan weerarka kasta

Madaxweynaha ayaa sameynayo isku-xir guud oo dagaalka xilli la mideeyay gulufka lagu dabar-goynayo al shabaab sida ay sheegtay madaxtooyada Hirshabelle.

“Culeyska argagixisada ay ku heyso Hirshabeelle ayaan soo af-jareynaa, waxaan ku baaqayaa awood mid ah inaan ku wajahno dagaalka oo laga fogaado midnimo la’aan.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Dagaalo ayaa weli ka socda degaano u dhexeeya Hiiraan & Sh/dhexe kuwaasoo dhexmaraya ciidamada DF iyo macawisleyda xawaadle oo hal dhinac ah iyo Al shabaab khasaare xoogan ayaana kala gaaray labada dhinac.

Related posts

Bankiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ka cafiyay $122.55 Milyan oo dollar

Caydiid Ali

Yaa gadaal ka riixaya Go’aanada kasoo baxay Madaxweyne Qoor Qoor iyo Laftagareen ?

Cabdi Cade

Wareegii 2aad ee doorashada oo dhamaaday & Aadan Madoobe oo ku horeeya tirinta codadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---