Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaaraha Somalia oo Doxa kula kulmay Smail Chergu iyo madax kale

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabadda Midawga Afrika, Ambassador Smail Chergui.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Ambassador Smail Chergui ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah iyo diyaar garowga loogu jiro qorshaha mas’uuliyadda amniga ay kula wareegayso dawladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa  looga hadlay sii wadidda taageerada dhanka amniga ah ee midawga Afrika ay siiyaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar kulan kula qaatay wasiirradda arrimaha dibadda Qatar, Turkey, Kenya iyo Japan.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay wasiirrada ayaa looga wada hadlay xoojinta xariirka dalalkaas iyo Soomaaliya iyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sheikh Dr. Cabdirisaaq Aadan Macallin oo kordhiyay duruusta diiniga ah ee uu jeediyo

Cabdi Cade

Biden oo ka fal celiyey amarka lagu soo xirayo Netanyahu

Caydiid Ali

Masuul loo xiray Sawirka William Ruto oo xiran darees Milatari oo gaari lagu dhajiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---