C/raxmaan C/shakuur: “Culimada dowlada Taageersan Waxba kama duwana Al-Shabaab”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ahna guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa markii ugu horeysay shir jaraaid ku faahfaahiyay weerarkii xiidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya ku qaadeen xaruntiisa magaalada Muqdisho.

C/shakuur oo ay hareerahiisa fadhiyeen qaar ka mid ah Madaxda Xisbigiisa ayaa sheegay in lagu soo qaaday weerar socday mudo nus saac ah isla markaana weerarku uu ahaa mid lagu fashilmay oo aan laga gaarin ujeedadii laga lahaa.

“Dhamaan madaxda dalka sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare kheyre ayaa weerarkaas masuul ka ahaa, waxayna doonayeen in la i khaarajiyo balse kama guuleysan” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu ku eedeeyay madaxda Qaranka inay tacadi kula kaceen ehelada dadkii lagu dilay Hoygiisa oo ilaaladiisu ka mid ahaayeen, loona diiday.

“Maalmahaan waxaan maqlayay culimo dowlada taageersan oo sameynayay fadwo dhiigeena lagu xalaaleynayo, kuwaasoo ku baaqayay in Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta guryahooda loogu tago taasina waxay qeyb ka aheyd weerarkii nalagu soo qaaday culiumada Noocaas ahna Shabaab waxba kama duwana” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha iyo raisul wasaaraha uu ku dacweyn doono dalalka ay dhalashadoodu heystaan isagoo xusay in xiligan wixii ka dambeeya dhibaatadii gaarta ay masuul ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

“Farmaajo hadduusan rabin in dowladiisa wax laga sheego lana mucaarado, dastuurka ha baabi’iyo, dalka ha u celiyo meeshii uu joogay wixiii ka horeeyey 1990-kii” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -