Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sargaal katirsan Ciidanka dowlada oo saakay lagu dilay Muqdisho

Kooxo biskoolado ku habeesan ayaa saakay Degmada Waabari gaar ahaan meel aan ka fogeyn saldhiga booliiska degmadaasi waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan gurigiisa hortiisa ku toogteen Gaashaanle Dhexe Cabdi Maxamed Culusow oo katirsanaa Milatariga Soomaaliya, sargaalkan la dilay ayaana horey looga sii qaatay biskoolad uu heestay.

Dableydii dilka geesatay ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana xaafada dilka ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska kuwaa oo sameeyay baaritaano aan wali natiijo kasoo bixin.

Degmada Waabari ayaa kamid ah degmooinka ay inta badan ka dhacaan dilalka qorsheesan ee loo geeso ciidanka iyo dadka kale ee dowlada u shaqeeya, waxaana horey degmadaasi uga dhacay dilal dhoor ah oo lala beegsaday dad dowlada u shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo ka cawday qaar kamid ah Xildhibaannada laga soo doortay…

Cabdi Cade

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaallo ka dhacay …

Cabdi Cade

Faahfaahin: Guuleed oo kulan xasaasi ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---