Xildhibaanada Golaha shacabka oo ansixiyay Xeer Hoosaadka Golaha oo dib u eegis lagu sameeyay

Xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh oo kulanka shir gudoominayay ayaa sheegay in 170- Xildhibaan ansixiyeen xeer hoosaadka golaha shacabka halka uu diiday hal Xildhibaan.

Waxa ay sidoo kale Xildhibaanada golaha shacabka maanta ansixiyeen sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.

Sharcigan waxaa ogolaaday in la ansixiyo 171-Xildhibaan halka ay diideen labo Xildhibaan , mana jiro Xildhibaan ka aamusay, waxa uuna Gudoomiyaha golaha shacabka sheegay in Sharcigan uu ansax yahay.

Xildhibaanada golaha shacabka oo dhawaan galaya fasax ayaana maanta laga sugayay in ay meel mariyaan labadan sharci , waxaa sidoo kale Xildhibaanada la filayaa in ay ogolaadaan Misaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -