Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo amar siiyay ciidamada maamulka Jubbaland (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saakay kormeer ku tagay qaar kamid ah xarumaha ciidamada Nabad sugida ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa ciidamada uu saakay la kulmay ku amray in ay u diyaar garoobaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee dhawaan ciidamada kala duwan Jubbaland ka bilaabanayaan deegaanada ay heestaan Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Askarta iyo Sarakiisha uu saakay la kulmay faray in ay labo laaban dadaalkooda iyo u diyaar garoowgooda howlgalada socda ee la isugu furayo Magaalooyinka xorta ah kuwa maqana dib loogu xoraynayo.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in Al-Shabaab ay awood ahaan aad u liitaan oo aysan hor istaagi karin Ciidamada howlgalada bilaabay loona baahan yahay in la sii xoojiyo oo si dardar leh loo wado.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmahan ku mashquulsan isku dabaridka ciidamada maamulka Jubbaland oo isku diyaarinaya in ay bilaabaan howlgalo Al Shabaab looga saarayo deegaanada Jubooyinka ay maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ay Hogaamineyso Annette Weber (Sawirro)

Cabdi Cade

Malaayiin qof oo joojinaya isticmaalka barta Twitter & Xog ku aadan sababta

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey howlgalada milateri ee ka socda gobolka Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---