Allbanaadir.com
NEWS

Degmo katirsan Puntland oo hubka laga mamnuucay iyo hal sabab oo keentay

Maamulka Puntland, ayaa ku guuleestay in ay xal ka gaaraan shaqaaqooyin muddooyinkii lasoo dhaafay ka taagnaa degmada Eyl ee gobolka Nugaal, waxaana degmadaasi ka dhacay shirar looga hadlayay amaanka iyo xal u helida shaqaaqooyinka soo noqnoqday.

Shirarka ka qabsoomay degmada Eyl , ayaa lagu go’aamiyay in gabi ahaan degmadaasi laga mamnuuco in hub sharcidarro ah lagu dhax qaato, waxaana tallaabo adag loogu hanjabay in laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto isaga oo hub degmada iyo deegaannada hostaga ku dhax wadata.

Taliyaha la dagaalanka argagixisada Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse oo la hadlay boqolaal kamid ah bulshada degmada Eyl ayaa sheegay in ciddii hub lagu arko ay ciidanku amar ku qabaan inay toogtaan haddii aysan soo dhiibin, wuxuuna intaas ku daray in ciddii falal ammaan xumo lagu soo eedeeyo loo dhaadhicin doono xabsiyo durugsan.

“Maantay go’aan baa soo baxay qori ninkii qaata oo lagu arko waa lagu dilayaa ciidanku amar bay u qabaan cidloo qabsanayana ma jirto, dhig haddii layiraahdo oo uu gacmaha taagana waa la xiraayaa, haddaan saas wax laga bedelin habeen madaw ayaa lala baxayaa qof walba oo dhib wada”, Ayuu yiri Gen. Muxuyadiin.

Odayaasha iyo shacabka ku dhaqan degmada Eyl, ayaa soo dhaweeyay go’aankan hubka looga mamnuucay degmada , waxa ayan sheegeen in ay taageerayaal xal kasta oo nabadda ka shaqeeneysa kana hortageysa colaadaha soo noqnoqday.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Daawo Sawirada: Ciidanka Nabad sugida oo qabtay nin Bambo ku weeraray xarun Ciidan

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis iskaashiga Difaaca iyo Amniga (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa baajiyey safarkii maanta Raisul Wasaare Khayre ku tegi lahaa degmada Hobyo?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---