Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Qatar kula kulmay Khalid bin Mohammad

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo safar shaqo ku tagay dalka Qatar ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka Qatar Khalid bin Mohammad Al Attiyah ahna wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Qatar.

Kulankan dhax maray Wasiirka gaashaandhigga iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Qatar ayaan laga bixin faah faahin badan, waxaana wakaaladda Wararka Sonna sheegtay in ay kawada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dalka gaar ahaan dhinaca difaaca.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan looga hadlay sidii dowladda Qatar gacan uga geesan laheyd dib u dhiska ciidanka xoogga Soomaaliyeed iyo sidii uga taageeri laheyd agabka ciidanka ku howlgalaan.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa xiriir aad u dhaw leh, waxa ayna Qatar sannadihii ugu dambeeyay si weyn uga dhax muuqatay siyaasadda Soomaaliya, waxa ayna xiriir la leedahay Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo wadahadal la yeeshay Sheekh Sabaax Al Khaled Al Xamad

Cabdi Cade

Taliyaha ciidamada Itoobiya oo ka hadlay dagaalkii 77

Caydiid Ali

Xiisad Dagaal oo u dhaxeysa Labo Dal oo Yurub kuwada yaalla iyo Ciidamo heegan la galiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---