Allbanaadir.com
NEWS

Natenyahu oo carooday lamaanihii lagu toogtay magaalada Washignton

Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu , ayaa si adag u cambaareeyay toogashadii magaalada Washington ee caasimadda dalka Mareykanka loogu geestay lamaane Israa’iiliyiin ahaa oo ka shaqeenayay safaarada Israa’iil ee Washignton.

Netanyahu , ayaa sheegay in uu aad uga carooday falka naceybka ah ee lagu dilay lamaanaha Israa’iiliiinta ah, waxa uuna weerarkan lagu duilay lamaanaha ku tilmaamay mid salka ku haya Yahuud naceyb uuna aad uga xun yahay, isaga oo tacsi u diray qoysaska laaanaha.

“Waxaan si toos ah u soo jeediyay in la xoojiyo ammaanka howlgallada Israa’iiliyiinta ee guud ahaan caalamka iyo wakiillada dowladda.”, ayuu yiri  Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay lamaanaha Israa’iiliyiinta ee ka shaqeenayay safaarada Washiginton xilli ay kasoo baxayeen madxaf yahuuda leedahay, waxaana lamaanaha la dilay magacyadooda lagu kala sheegay  Lischinsky iyo Sarah Milgram.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku wajahan safar dibadeed & Xog ku aadan ujeedka

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo loogu baaqay in uu is casilo 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---