Macron & Bin Salman oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 18 Bilyan oo Dollar (Sawirro)

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa kaddib kulankii uu la qaatay Madaxweynaha Faransiiska Macron waxay ku kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyo badan taabanaya oo ku nkacaya $18 Bilyan oo dollar.

Lacagtan ayaa la sheegay inuu Bin Salman ku maalgashanayo ama Faransiiska waxaana qeyb ka ah in Bin Salman uu la wareegayo dhammaan warbaahinta waddanka Faransiiska.

Arrintaas ayaa aad loo cambaareeyay waxaana lagu fasiray in Bin Salman uu doonayo inuu af xiro warbaahinta xorta ah ee Faransiiska.

Mucaaradka Faransiiska iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale dhaleeceeyay go’aanka Macron uu ku casuumay casho ka dhacday daarta Elysee Palace nin madaxda reer galbeedka ay rumeysan yihiin inuu amray dilka 2018-kii ee saxafiga caanka ah ee Sacuudiga Jamal Khashoggi.

Dilka Khashoggi ee lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa dhalisay caro caalami ah. Sirdoonka Mareykanka ayaa ku soo gabagabeeyay in dhaxal sugaha uu si toos ah u ansixiyay dilka wariye Washington Post. Dhaxal sugaha boqortooyada ayaa beeniyay inuu wax door ah ku lahaa dilka.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Faransiiska ayaa warbaahinta u sheegay in Macron uu soo bandhigi doono su’aalaha xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan kiisaska shaqsiga ah, iyo sidoo kale in laga hadlo wax soo saarka saliidda iyo heshiiska Nukliyeerka ee Iran.

 

- Advertisement -