Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka oo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka.

Kulanka Golaha shacabka waxaa goob joog ka ahaa 174-Xildhibaan ,Waxaa ogolaaday in la meel mariyo miisaaniyada golaha dhamaan Xildhibaanada kulanka joogay oo ahaa 174-Xildhibaan mana jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay .

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Baarlamaanka horgeeyay Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanada ansixinta Miisaaniyada.

Miisaaniyada Ansixinta Dowlada ee sanadka 2019-ka ayaa halis u gashay in aan la meel marin, waxaana arintan sabab u ahaa khilaafkii Madaxda sare soo kala dhax galay oo deg deg loo xaliyay kahor inta uusan curan sanadka cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -