Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka degmada X/weyne oo goor dhow la dilay

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow dil u geystay guddoomiyihii Waaxda Horseed oo ka tirsan degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir kaasoo lagu magacaabi jiray Xaaji Iikar.

Dilka masuulkan ayaa ka dhacay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla nawaaxiga Masjidka loo yaqaano Aw-Cusmaan-ka ee degmada Xamar-weyne sida ay sheegayaan warar goor dhow ku soo dhacay warqabadka allbanaadir Online.

Dableyda ayaa sidoo kale dilay nin shacab ah oo la socday kaasoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Dahabshiil Laanta Xamar-weyne waxaana  magaciisa lagu sheegay Maxamed Muxyadiin sida goob joogayaal ah ay ku warameen.

Xaalada degmada Xamar-weyne ayaa kacsan caawa waxaana lagu soo daadiyey ciidamo ka tirsan amaanka oo baadi goobaya kooxaha dilka geystay oo baxsaday.

Waa Guddoomiye Waaxeedkii labaad ee lagu dilo degmada Xamar-weyne, dhowr bilood ka hor ayeyna aheyd markii isla degmadaas lagu dilay xilli habeen ah gudoomiyihii waaxda Kacaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Xasan (Fagaase) Al-shabaab ayaana sheegatay masuuliyada dilkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Qabiilada Masuuliyiinta loo Magacaabay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse

Caydiid Ali

(Daawo Sawiro) Sida loo qurxiyey goobta lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Puntland

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo ka qeyb galay Munaasabad lagu daah-furay urur cusub oo yaab leh (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---