Dowlada Somalia oo Wafdi Sare u dirtay xalinta dagaalka Kaxandhaale (Daawo Sawirro)

Wasiirka arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa galabta gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ujeedka Wafdigan ka socda Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya degaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud iyo degaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayo ayaa ku hormaraya degmada Gelisoor, iyagoona uga sii gudbayo degaanka Kaxandhaale si ay u qeyb kaga qaataan joojinta colaadda halkaas ka taagan.

“Arrinta galabta aan u socono waa colaadii ka dhacday dhinaca Gelinsoor, gaar ahaan ka dhacday agagaarka meesha la yiraahdo Kaxandhaale soo noqodkeenna waxaan geli doonaa oo aan xal ka raadin doonaa labada beelood ee ku diriraya xuduudka Hiiraan iyo Galgaduud oo ciidanka Qaranka loo diray rajo weyna aan ka qabo iney kala dhex galaan labadaasi ciidan,”ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha oo warbaahinta la hadlay ka hor inta aysan wafdiga garoonka Aadan Cadde ka ambabixin.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya gacan ka geysaneyso sidii dadka ku dhaawacmay dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah u heli lahaayeen daryeel caafimaad lana soo qaadi doono, wuxuuna tacsi u diray ehalada dadkii ku geeriyooday colaada.

Xaalada Kaxandhaale ayaa degan maanta ka dib markii ciidamada xoogga dalka ay kala dhex galeen labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi ku dagaalamayey maalmihii la soo dhaafay kuwaasoo isku heysta dhul daaqsimeed degaankaas ku yaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -