Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Daawo Sawiro) Sida loo qurxiyey goobta lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Puntland

Waxaa goor dhow oo caawa ah la filayaa iney ka bilaabato munaasabad weyn oo lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni oo dhowaan xilkaas loo doortay.

Hoolka ay ka dhaceyso xaflada ayaa si weyn loo qurxiyey, itadoo la dhigay kuraastii ugu badneyd, waxaana lagu xardhay boorar kala duwan oo ka hadlaya munaasabada caleemo saarka.

Madaxda ka qeyb galaysa caleemo saarka ayaa bilaabay iney ku qulqulaan hoolka, iyadoo amaanka si weyn loo xoojiyey, waxaana dhowr meelood lagu baarayaa dadka faraha badan ee lagu casuumay xafladan.

Madaxda Qaranka, kuwa dowlad goboleedyada, siyaasiyiin mucaarad ah, wakiilada beesha caalamka iyo xubno kale ayaa ka qeyb galaya munaasabadan.

La soco wixii soo kordha..

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday degaanka Dhoobley, lana kulmay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo laga codsaday Magdhaw iyo sii deynta Sheekh Mukhtaar Roobow

Cabdi Cade

Muxuu Xamse kala hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---