Muuse Biixi oo ka qeyb galay Munaasabad lagu daah-furay urur cusub oo yaab leh (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirada Somaliland ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu daah-furayey ururka cusub ee geelleyda Somaliland oo lagu qabtay degaanka Garabis oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururkan geelayaasha Mustafe Cali Ducaale oo xusay ahmiyada iyo ujeedka ay u aas-aaseen ururkan, isagoo ku dheeraaday qiimaha ay leeyihiin caana geellu, wuxuuna sheegay in maanta adduunyadii kale fahantay faa’iidada ku jirta urur ahaana ay doonayaan inay dibeda u dhoofiyaan caanaha geela marka ay dalka wada gaarsiiyaan.

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay wasiirada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta iyo Horumarinta Beeraha, oo dhamaantood xusay qiimaha uu leeyahay dhaqashada geelu iyo caanihiisuba, waxaanay balan qaadeen inay kala shaqaynayaan ururkan sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa qiimaha geellu leeyahay.

Ururkan oo ah mid cusub oo ka yaabiyey dad badan ayaa noqanaya kii ugu horeeyey noociisa ee looga dhawaaqo degaanada Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -