(Akhriso) Qabiilada Masuuliyiinta loo Magacaabay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse

Masuuliyiin sar sare oo Ra’iisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya Hamse Barre goordhoweyd magacaabay deegaanada & beelaha ay kasoo jeedaan iyo xilalka loo igmaday.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Xamsa Cabdii Barre ayaa magacaabay Xoghayaha joogtada iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa beelaha ay ka soo jeedaan 8-da xubnood ee la magacaabay waxayna kala yihiin:-

1- La Taliyaha Amniga – Kamaal Guutaale – Hawiye – Habargidir – Saleebaan.

2- La Taliyaha Arrimaha Dib u heshiisiinta – Ali Abdi Awaare. – Daarood – Majeerteen – Cismaan Maxamuud

3- La Taliyaha Xiriirka Caalamiga ah – Dr Hodan Osman – Daarood – Dhulbahante – Maxamed Muuse

4- La Taliyaha Arrimaha Siyaasadda – Dr Ahmed Nur Mohamed. Daarood – Ogaadeen – Reer Cabdule.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale magacaabay masuuliyiin kala ah.

1- Xoghayaha Joogta ah ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha – Maxamed Abukar Subeer. Beesha Jareerweyne.

2- Afhayeenka ahna Agaasimaha Warbaahinta – Farhaan M. Jimcaale. Hawiye – Xawaadle

3- Agaasimaha Hab-maamuuska Xafiiska Ra’iisal wasaaraha – Abdullahi Shariif. – Daarood – Mareexaan – Amiir Nuur.

4- Agaasimaha Maamulka & Maaliyada – Haashim Maxamed Ali – Sheikhal .

 

- Advertisement -