Ninka iyo Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay Mareykanka oo la shaaciyay

Dalka Mareykanka sanad walbo waxaa cod loo qaadaa raga iyo haweenka loogu xushmada badan yahay gudaha dalkaasi iyo guud ahaan Caalamka, waxa ayna dadka codka bixinaya doortaan dadka ay xushmada badan u hayaan.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Brack Obama ayaa markii 11-aad oo xiriir ah noqday qofka loogu xushmada badan yahay xaga raga halka Xaaskiisa Michelle Obama iyana noqotay haweeneyda loogu xushmada badan yahay Mareykanka.

Hillary Clinton ayaa 17-kii sano ee lasoo dhaafay aheyd haweeneyda loogu xushmada badan yahay dalka Mareykanka ayaa sanadkan u dhacday kaalinta sadexaad, hasa ahaatee sanadkan waxaa kaalinta koobaad ka gashay Michelle Obama.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa kaalinta labaad kasoo galay raga loogu xushmada badan yahay Mareykanka halka Haweeneyda caanka ah ee Oprah Winfrey iyana sanadkan kaalinta labaad ka gashay haweeneyda loogu xushmada badan yahay .

Cod bixinta dadka loogu xushmada badan yahay dalka Mareykanka waxaa qabata shirkada  Gallup , waxaana cod bixinta la qabanayay sanad walba tan iyo 1946 markii laga reebo sanadkii 1976.

Halkan ka Akhriso sida codadka loo kala helay

Ninka loogu qadarinta badan yahay

  • Barack Obama – 19%
  • Donald Trump – 13%
  • George W Bush – 2%
  • Pope Francis – 2%
  • Bill Gates 1%

Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay

  • Michelle Obama – 15%
  • Oprah Winfrey – 5%
  • Hillary Clinton – 4%
  • Melania Trump – 4%
  • Queen Elizabeth II – 2%

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -