Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Muqdisho oo xirxiray askar ku xad gudubtay amar ka soo baxay (Sawirro)

Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha kale ee amaanka caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari oo ka ka latirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Askartan ayaa lagu eedeeyey iney jabiyeen amarkii ahaa inaan la ridi karin rasaas loogu dabaaldagayo maalmaha xoriyada.

Waxaa socota baaris maadaama ay jiraan khasaare ka dhashay xabadihii sharci darada ahaa ee la riday xalay oo ku beegneyd munaasabada 26ka Juun.

“Waxaa la horgeyn doonaa Maxakamadda awooda u leh Hay,addaha amaanka waxa ay baadigoob ugujiraan tiro intaa ka badan iyo gaadiid xabada riday  Waxaa shacabka Caasimadda ku nool laga codsanayaa in ay nala soo wadaagaan cidwalba oo ammniga lidi ku ah” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska ciidanka Booliska.

Related posts

Saciid Ciise: “Madaxweyne Deni wuxuu Puntland ka mudan yahay sagootin heybad leh”

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo magacaabay Shan Wasiir oo cusub (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---