C/casiis Laftagareen & wafdi uu horkacayo oo gaaray degmada Baraawe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Maanta gaaray Magaalada Baraawe oo ah  caasimadda rasmiga ah ee maamulkaasi.

Waxaa safarka Madaxweynaha qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Munye iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Lafta gareen, ayaa ka mahad celiyay sidii wanaagsanayd ee loogu soo dhoweeyay halkaasi, isagoo xusay inuu Baraawe kula kulmay Dad u bisil Dowladnimada iyo maamul wanaagga.

“Waxaa si wanaagsan noo soo dhoweeyay Shacabka Degmada Baraawe oo ah Dad aad ugu bisil Dowladnimada iyo maamul wanaagga”, ayuu yiri Madaxweyne, Lafta gareen.

Madaxweynaha ayaa booqday goobo dhowr ah oo uu ka mid yahay Garoonka Diyaaradaha magaalada Baraawe oo weli uu socdo dhismahiisa, wuxuuna sheegay in waqti dhow lasoo geba-gabeyn doono howlahiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -