Caro xooggan oo ka dhalatay Muuqaal laga duubay RW Sanna Marin (Sawirro)

Raisul Wasaaraha finland Sanna Marin ayaa wajaheysa caro ka dhalatay muuqaal laga duubay iyadoo qoob ka ciyaareysa xilli ay ku sugneyd goobaha xilliyada habeenkii ah lagu caweeyo.

Muuqaalka Raisul wasaaraha ayaa ku baahay baraha bulshada iyadoo saaxibbadeed la ciyaaraysa, cod dheerna ku heesaysa.

Xisbiyada siyaasadeed ee dalkaasi ayaa saaraya cadaadis iyadoo lagu eedeeyay in ay isticmaashay Muqaadaraad kuna kacday arrin anshax xumo ah oo maqaamkeeda wax u dhimaya

Ms Marin oo 36 jir ah ayaa iska fogeysay eedeynta ah inay isticmaashay waxyaabaha maanka dooriya, waxayna sheegtay in kaliya si caadi ah ay waqti ula qaadaneysay saaxiibbadeed.

Iyadoo is difaacaysa ayey warbaahinta u sheegtay in ay leedahay qoys, in ay qabato shaqo culus, sidoo kale in ay leedahay saaxiibbo u baahan in ay waqti la qaadato sida ay sameeyaan dadka ay isku da’da yihiin oo kale.

“Uma baahni inaan wax ka baddalo dabeecaddeyda, sidaan ayaan ahaan doonaa, waxaana rajeynayaa in sideyda la’igu aqbali doono” ayey tiri Raysul wasaare Sanna Marin oo xilka heysay illaa bishii December ee sanadkii 2019, waa raisal wasaaraha ugu da’da yar adduunka.

- Advertisement -