Faah faahino kasoo baxaya dil loo geestay Sadex askari iyo Haweeney Xaamilo aheyd

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeesan suuqa Degmada Afgooye maanta ku dileen sadex askari oo katirsan ciidanka dowlada iyo haweeney xaamilo aheyd.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ciidamada gaadmo lagu dilay xili ay canshuur ka aruurinayeen Suuqa, waxaana rasaasta askartaasi lagu dilay sidoo kale ku dhimatay haweeney xaamilo aheyd.

Kooxah hubeesan ee dilka geestay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib suuqaasi dilka ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka dhaca dilal ay kooxo hubeesan u geestaan askarta dowlada ee degmadaasi ka howlgasha, waxaana inta badan la sheegaa in ay baxsadana kooxaha dilalka fuliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -