Qarax ka dhacay guri ay degan yihiin saraakiil & Masuuliyiin xilal ka soo qabtay dowlada Somalia

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inuu Qarax Miino uu maanta ka dhacay Guriga uu Magaalada uu ka degan yahay taliye ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax.

Qaraxa ayaa ka dhacay Guriga dhexdiisa, waxaana loo adeegsaday Miino lagu qariyey guriga, waxaana sidoo kale guriga qaraxu ka dhacay wax ka deganaa Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cumar Baadiyow.

labada masuul ayaa ka maqnaa guriga xiliga uu qaraxu dhacayay Waxaana ku dhimatay qof haween ah oo guriga joogtay, labo qof oo kalena waxaa la soo sheegayaa iney dhaawacmeen.

Ciidamada amaanka magaalada B/Weyne ayaa la soo sheegayaa iney baaritaano ka wadaan guriga, kaasoo ay ogaanayaan cida guriga keentay miinada oo sida muuqatay la doonayey in lagu qaarajiyo taliye Afrax iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -