Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Doorasho lasii ogyahay cida ku guuleesaneysa oo maanta Baydhabo ka dhaceysa

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada Baydhabo ka dhaceysa oon aheyn mid sidaa u xiiso badan ayaa waxaa ku tartamaya shan Musharax , waxaana la sii saadaalinayaa in musharax si gaar ah loo wato in uu guuleesan doono.

Waxaa lasii ogyahay in doorashada maanta dhaceysa hadii mucjio kale aysan dhicin uu ku guuleesan doono Musharax Cabdicasiis Lafta Gareen oo taageero weyn oo isugu jira mid dhaqaale iyo garab istaag ka helaya Dowlada federaalka Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si xoog ah looga reebay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa musharaxiinta la saadaalinayay in doorashada ku guuleesan karo.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay maanta, waxaana wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Baydhabo lagu daadiyay ciidamo booliis ah iyo ciidamo kale oo katirsan AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Cumaan oo kala saxiixday heshiis labada dal muhiim u ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu yahay sharciga muranka dhaliyey ee Maxkamada Sare ee Mareykanku baabi’isay?

Caydiid Ali

Haweenka oo Maxram la’aan tagi kara Xajka iyo Dowladda Sacuudiga oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---