Haweenka oo Maxram la’aan tagi kara Xajka iyo Dowladda Sacuudiga oo ka hadashay

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa isbadal weyn ku sameesay habkii ay isku diiwaangelin jireen haweenka Muslimiinta ah ee doonaya in ay soo gutaan waajibaadka Xajka oo markii hore shuruudo badan lagu xiri jiray.

Haweenka doonaya in ay xajiyaan ayaa hada loo ogolaaday in ay  iska diiwaan gelin karaan xajka sanadlaha ah iyada oo uu san la soconin nin mas’uul ah ama maxram oo markii hore waajib aheyd in haweenka la socdaan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in haweenku aysan u baahneyn in ay yeeshaan qof mas’uul ah oo lab ah si ay isu diiwaan geliso, waa hadii ay koox dumar ah yihiin.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa horey u meel marisay in haweenka Sacuudiga ay hadda iskood u noolaan karaan iyaga oo aan u baahneyn ogolaanshaha aabahood ama mas’uulka lab ah ka dib markii wax ka bedel sharci oo cusub ay sameysay Boqortooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -