Muxuu yahay sharciga muranka dhaliyey ee Maxkamada Sare ee Mareykanku baabi’isay?

Maxakmadda Sare ee Mareykanka ayaa baabi’isay sharci ay horey u ayiday oo dumarka Mareykanka u ogolaanayay inay ilmaha iska soo xaaqi karaan, waxaana sharcigaas oo loo yaqiinay Roe v. Wade uu Mareykanka sharci ka ahaa tan iyo sanadkii 1973kii.

Waxa uu ka mid yahay sharciyada ugu muranka badnaa ee sida weyn u saameeya ololayaasha siyaasadda iyo doorashooyinka dalkan.

Sagaalka Qaadi ee Maxkamadda Sare ayaa go’aankan ugu codeeyay, ayaa lix ka mid ah oo sharcigan in lalaalo ogolaaday, halka saddexda kale ay diideen.

Go’aankan ayaa sidoo kale siinaya gobolada Mareykanka inay sharciyo u gaar ah oo arintan ilma iska soo ridista la xiriira sameysan karaan.

Ku dhawaad kala bar gobolada Mareykanka ayaa la filayaa inay mamnuucaan ilma-iska soo tuurka. iyagoo ka shidaal qaadanaya go’aankan ay gaartay Maxkamadda Sare.

Mid ka mid ah qareenaddii muxaafidka ahaa ee sharcigan laalay Samuel Alito, ayaa yiri “aqlabiyadda ayaa sharcigan meesha ka saartay”

 

- Advertisement -