Dowlada Federaalka oo Wafdi u dirtay Doorashada Baydhabo iyo Wakiilada Beesha Calamka oo…

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi Wasiiro ah u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya si ay kor joogto uga noqdaan doorashada maanta lagu wado in ay ka dhacdo Baydhabo.

Wafdiga dowlada ee gaaray magaalada Baydhabo waxaa hor kacaya Wasiirka Arimaha Gudaha iyo federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye , wafdigan ayaana la socon doona sida ay doorashada u dhaceyso.

Safiirada iyo wakiilada kale ee Beesha Caalamka ee degan xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaan wali si rasmi ah loo ogeyn in ay ka qeyb galayaan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed si iyana kor joogta uga noqdaan.

Qoraal dhawaan kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayey ku dalbadeen in doorashada noqoto mid hufan oo u dhacda si cadaalad ah, Beesha Caalamka ayaan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan doorashadan muranka dhalisay.

Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo ayaa ah mid muran badan dhalisay oon u dhaceyn si hufan, waxa ayna doorashadan khilaaf ka dhax abuurtay Madaxda dalka ugu sareysa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -