Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Cumaan oo kala saxiixday heshiis labada dal muhiim u ah (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Xasan Xuseen Maxamed oo booqosho rasmi ah ku jooga dalka Cumaan ayaa maanta heshiis is-afagarad ah la saxiixday dhigiisa Cumaan Dr. Saud Bin Hamoud Al Habsi oo ah Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhoofka Xoolaha, hilibka, kobcinta tayada caafimaadka Xoolaha iyo la dagaalanka cudurada faafa, khibradaha iyo xogaha la xiriira badqabka cuntada, kor u qaadida sugnaanta cuntada iyo sidii loo xooji lahaa maalgashiga.

Heshiiska is afgarad ee labada dal ay kala sixiixdeen waxaa uu ku saabsanaa caqabadaha hortaagan ganacsiga Xoolaha, fududeynta maalgashiga labada dhinac ee qeybta Xanaanada Xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Heshiiskan waxaa looga golleeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka soo dejinta iyo dhoofinta Xoolaha nool ee u dhexeeya labada dal, kobcinta awoodda adeega caafimaadka xoolaha, adeegyada ogaanshaha, hababka karantiilka, hubinta u hoggaansanaanta ku dhaqanka shuruudaha caalamiga ah iyo heerarka dhoofinta xoolaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo si rasmi ah u furay kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka

Cabdi Cade

Kumanaan qof oo daweyn & Indho fiiqis bilaash ah loogu sameeyey Isbitaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Askar lagu laayey qarax ka dhacay duleedka degmada Baraawe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---