Wararkii Ugu Dambeeyay Kulankii Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo R/W Kheyre (Sawirro)

Waxaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Wasaarada Waxbasharada Soomaaliya oo kutaala meel ka baxsan xarunta Madaxtooyada Gudoomiyaha golaha Shacabka iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.

Kulanka labada masuul ayaa ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee hada dalka ka taagan ay ugu horeeyaan Mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xiisada ka taagan Doorahada Koonfur Galbeed.

Gudoomiye Maxamed Mursal iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in ay islu mari waayeen qodobadii ay kawada hadleen qaarkood, waxaana la sheegay in ay sidoo kale jiraan qaar kamid ah qodobada khilaafka dhaliyay oo ay isku fahmeen.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa la sheehay in Ra’isul Wasaaraha ka codsadayy in fara galinta laga daayo Baarlamaanka, waxa uu sidoo kale ka dalbaday in lasoo daayo Abuu Mansuur dibna loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xildhibaano kulanka xog ogaal u ahaa ayaa sheegay in Gudoomiyaha iyo Ra’isul Wasaaraha isku fahmeen in wada shaqeeyaan labada Golle sidoo kale Xukuumada cadaadiska ka dhaafto Xildhibaanada.

Waxa ay sidoo kale sheegeen Xildhibaanada in qodobada qaar sida mooshinka iyo arinta Koonfur Galbeed aan la isku fahmin, waxa ayna xuseen in Gudoomiaha golaha shacabka iyo Ra’isul Wasaaraha u balameen kulamo kale.

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Maxamed Mursal ayaa kahor inta uusan imaan khilaafka hada taagan waxa ay ahaayeen labo nin oo saaxiibo ahaa si dhawna u wada shaqeenayay, hasa ahaatee xiisada hada taagan ayaa la sheegay in xiriirkoodii uu xumeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -