Masjidka Qadiimiga ah ee Al Nuur oo dib loo dhisayo (Daawo Sawirro)

Masjidka Qadiimiga Al Nuur ee kuyaala magaalada Moosil ee dalka Ciraaq ayaa lagu wadaa in dib u dhis balaaran lagu sameeyo, kadib markii uu ku bur buray dagaalkii xooganaa ee ka dhacay magaaladaasi.

Hogaamiyaasha Diinta Islaamka ee dalka Ciraaq oo kaashanaya Hay’ado kala duwan ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameenayo masjidka Al Nuur oo ah Masjid qadiimi ah oo taariikh fog leh.

Gudaha Masjidka Al Nuur waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen Mas’uuliyiin mataleysay laanta Qaramada Midoobey ee dhaqanka ee UNESCO ,Midowga Yurub iyo xubno kamid ah guddiga dib u dhiska Masjidka.

Kulankan ayaa ahaa mid looga arinsanayay sidii dib loogu bilaabi lahaa dib u dhiska Masaajidka oo ku bur buray dagaalkii ka dhacay Moosil ee u dhaxeeyay Kooxda Daacish iyo Ciidamada Ciraaq oo gacan ka helayay kuwa Mareykanka.

Agaasimaha ha’yadda UNESCO ee dalka Ciraaq, Louise Haxthausen ayaa sheegay in la dhagax dhigay dib u dhis balaaran oo lagu sameenayo Masjidka Al Nuur oo si weyn ugu bur buray dagaalkii dhacay.

Dhismaha Masjidka ayaa inta badan bur buray, waxaana hada soo haray kaliya aas aaska masjidkaasi, waxaana masjidkan dad badan ku xasuustaan in looga dhawaaqay Dowlada Khilaafada Islaamka oo sabab u noqotay in uu bur buro .

Masjidka Al Nuur ayaa la dhisay sandkii 1172 , waxaana masjidkan dhisay looguna magac daray Nuur Al-Din Maxmuud Zangi oo hoggaamin jiray koox islaamiyiin ah, waxaana masjidkan uu yahay mid taariikh fog leh waqti badana soo dhisnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -