Nin 40-sano jir ah oo geestay Kufsi aad looga argagaxay

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u baahisay kufsi nin 40-sano jir ah u geestay gabar 3-sano jir ah, waxa ayna dhacdadan argagax iyo cambaareyn xoogan ka abuurtay gudaha dalka Hindiya.

Nin 40-sano jir ah oo waardiye ka ahaa dhismo ay gabadhan yar ku nooleyd ayaa la sheegay in uu u geestay kufsi xanuun badan, waxaana ninkan gabadha yar ku sir siray nac nac kadibna kufsi u geestay xili ay waalidkeeda guriga ka maqnaayeen.

Ciidamada booliiska ayaa helay gabadha yar oo suuxsan, waxaana gabadha markii loola cararay isbitaal la ogaaday in loo geestay kufsi, xaalada gabadha ayaa wali ah mid adag waxaana lagu sameenayaa qaliino.

Booliiska ayaa xabsiga dhigay ninka gabadha sadax sano jirka ah kufaday, war kasoo baxay booliiska diiwaan galiyay kiiska ninkan ayaa lagu sheegay in ciqaabta ninkan ay noqon karto xukun dil ah.

Kufsigan ayaa caro badan ka abuuray qeybo badan oo kamid ah dalka Hindiya, waxaana dalkaasi la sheegay in xili kasta ka dhacaan kufsiga loo geesto caruurta iyo idoo kale haweenka, waxa ayna dowlada ku guul dareesatay in kufsiga dumarka la joojiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -