Prof. Saciid Ciise: “Halista boobka doorashada waxey ka timaadaa labo meelood”

Doorasho hufan oo xor iyo xalaal ah waxaa halbeeg u ah amniga doorashada oo noqda mid la isku haleyn karo.

Halista amniga iyo boobka doorashada inta badan waxey ka timaadaa madaxda awooda heysata iyo hantida qaranka, iyo xaruumaha dowladda u adeegsada ololahooda doorashada si mar labaad ay xukunka ugu soo noqdaan, waxeyna madaxdaas iyagoo adeegsanaya kooxo ay si qarsoodiya u soo tababarteen ay ku bartilmaameystaan musharixiinta la tartamaya oo ay u geystaan handadaad iyo dilal qorsheysan oo ay ku fuliyaan gacanyareyaashooda.

Taas waxay waxyeelo ka soo gaartaa musharixiinta amnigooda qof ahaan, xaruumahooda ololaha doorashooyinka, meelaha ay ku qabanayaan doodahooda siyaasadeed iyo kulamadooda ay ku geleyaan isbaheysiyada ama aragti wadaaga ay la leeyihiin xisbiyada siyaasadeed.

Musharixiinta kuraasta sare ee dowladda waxey dhibane u yihiin halista sida gaarka ah loogu bartilmaameedsanayo guryahooda ama hoteeladda ay degen yihiin ama xarumaha ay kulamada siyaasadeed ku leeyihiin, waxaana halista amniga sii murjinayaa dhacdooyinka amnidarro ee lagu beegsanayo raisul wasaaraha iyo lataliyeyaashiisa gaarka ah oo masuuliyiinta ugu sareysa ee hogaaminaya qabsoomida doorashada, sidaas daradeed ayaa waxey saamileyda qoorashada qeybta ka ah ay ku talin lahayeen in maleeshiyaadka ciidamada Gorgor, Harmcad, Duufaan, iyo kuwa la midka ah hub ka dhigis lagu sameeyo inta ay dhaceyso doorashada, isla markaasna musharixiinta ah saamileyda doorashada si joogto ah loo siiyo akhbaaradka amniga, ilaalana ay dowladu ku korjoogteyso guryahooda, xaruumahooda, hoteelada ay ku qabsanayaan kulamadooda siyaasadeed ama ololahooda doorashada, waxeyna tilaabooyinkaas amni wax weyn ka tarayaan kalsoonida ay musharixiintu ku qabaan amniga doorashada.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia

- Advertisement -