Ciidamada Danab oo Al-Shabaab kala wareegay degaano ka tirsan Sh/hoose (Daawo Sawirro)

Ciidamada Kumaandoska Soomaaliya ee Danab ayaa wada howlgalo  ballaaran oo lagu xaqiijiniyo Aminga Wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Wanle-weyn ee gobalka Sh/hoose

Ciidanka Danab ayaa gudaha u galay lana wareegay degaano hor leh oo ay sheegeen iney shacabka lacago baad ah kaga qaadi jireen Al-shabaab.

Degaanada ay ciidamadu gaareen waxaa ka mid ah Godale, Cadalay, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga degmada Toora-toorow iyo goobo kale.

Taliyaha Ururka 4-aad ee ciidanka DANAB Gashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sheegay in ay guulo ka soo hooyeen howlgalo ballaaran oo ay deganadaasi ka sameeyeen, wuxuuna xusay in Xoogaga Al-Shabaab ay halkaasi isaga baxeen, markii ay ka war heleen howlgalada ciidanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -