Ciidamada Amaanka oo xoog ku joojiyay baroor diiq Muqdisho lagu qaban rabay

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay inta badan xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana qeybo badan oo magaalada lagu soo daadiyay ciidamo iyo gaadiid dagaal.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin sababaha maanta loo xiray wadooyinka magaalada Muqdisho , waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dowlada sababaha ay wadooyinka u xirtay qeyb ka aheyd joojinta munaasabad Muqdisgo ka dhaci laheyd.

Xisbiga Wadajir uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta lagu waday in Hotel kuyaala Muqdisho ku qabtaan munaasabad loogu baroor diiqi lahaa ciidamo ilaalo u ahaa CC Warsame oo sanadkii hore lagu dilay gurigiia.

Ciidamada amaanka ayaa xiray Hotelkii la qorsheeyay in lagu qabto munaasabada baroor diiqda, waxaana wadooyinka soo gala hoteelkaasi lagu jaray gaadiid dagaal si aysan uga dhicin munaasabada loona imaan.

Waxaa baaqday gabi ahaan munaasabadii boordiiqda ee lagu waday in ay qabtaan Xisbiga uu hogaamiyo Siyaaiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, waxaana arinan ka xumaaday ubno kamid ah xisbiga Mucaaradka ku ah Dowlada  ee Wadajir

Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ayaa sanadkii hore Weerar ku qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana weerarkaasi ku dhintay shan kamid ah ilaalada Hogaamiyaha Wadajir.

 

- Advertisement -